shirka_deefow_golaha

Golaha

Golaha guurtada wuxuu ka kooban yahay wakiilada beelaha Gobolka Hiiraan. Golaha guurtada wuxuu ka kooban yahay 21 xubnood oo matala dhamaan beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan.

Xubnaha golaha guurtada waxaa laga soo xulaya dhamaan beelaha Gobolka Hiiraan iyadoo xubin kasta lagu soo dooranayo aqoon, waacinimo, xilkasnimo, daacadnimo iyo soomaalinimo.

Guurtidu waxaa xubin ka ah 21 rug cadaa oo matalaya beelaha Gobolka Hiiraan
Magacyada xubnaha Golaha Guurtada:

  1. Ugaas cali ugaas xasan ugaas rage
  2. Nabadoon cali abuukar sh.xasan
  3. Ugaas moliid c/laahi
  4. Suldaan c/qani sh.c/laahi
  5. Sh.xasan sh.rashiid
  6. Suldaan xuseen cismaan sh.yuusuf
  7. C/casiis maxamad cismaan
  8. Maxamad daahir macalim nuur
  9. Isloow rooble qaasim cismaan
  10. Nabadoon c/laahi cabdi isaaq
  11. Nabadoon ibrahim maxamad cabdulle
  12. Nabadoon cismaan dhicisoow dhuuboow
  13. Garaad guhaad haabiil
  14. Fuad madoobe cabdi
  15. Nabadoon cabdi cali dhoore
  16. Cali omar cismaan
  17. Cabdi muxumad xuseen
  18. C/laahi axmad c/dulle
  19. Nabadoon c/xakiin nuur xaashi
  20. Nuur c/laahi cilmi
  21. Ugaas c/rashiid

gudi_fulin_mini

Gudi Fulin

Guddiga fulintu wuxuu ka kooban yahay xubnaha hoos ku xusan:

  1. Guddomiye
  2. Guddoomiye ku xigeenka & Arrimaha Maaliyada
  3. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad & Arrimaha Amniga
  4. Xoghaye Guud
  5. Xoghayaha arrimaha Beeraha
  6. Xoghayaha arrimaha caafimaadka
  7. Xoghayaha Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta
  8. Xoghayaha Arrimaha waxbarshada
  9. Xoghayaha arrimaha gudaha iyo dibada (xidhiidhka caalamiga)
  10. Taliyaha ciidanka gobolka Hiiraan

golesam.com

 

logo_ver2

Ujeedada

Ujeedada

Golahan waxaa loo dhisay inuu samatabixiyo shacabka reer Hiiraan, isla mar ahaantaana abuuro jawi iyo aasaas looga tashado aayaha iyo mustaqbalka gobolka Hiiraan.

logo_ver2

Hadafyada

Hadafyada

  1. In laga abuuro jawi nabadeed iyo xasilooni buuxda dhamaad degaanada gobolka Hiiraan
  2. In loo gargaaro, dib u dhis iyo dib u dejin loo sameeyo dadka dhiban iyo degaanada ay halakeysay colaada iyo dagaalada sokeeye,
  3. In la horumariyo, dibna loo soo nooleeyo qeyraadka iyo barwaaqada gobolka lagu yaqaan
  4. In laga shaqeeyo danta guud, lana dhowro xuquuqda dadka, dalaga, iyo duunyadaba
  5. In xiriir wanaagsan lala yeesho dowlada federaalka iyo dalka aan deriska nahay ee Itoobiya
  6. In la dar dar geliyo xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha samafalka
  7. In lagu maamulo gobolka nidaam sharciga waafaqsan, lidi’na ku aheyn dowlada federaalka
  8. In la helo cadaalad, midnimo, qaranimo, iyo la sugo amniga shacabka gaar ahaan, iyo gobolka guud ahaan.
  9. In shacabka reer hiiraan ay ku abtirsadaan gobolka, lagana fogaada qabiilka iyo kala qeybinta bulshada
  10. In la soo dhaweeyo nabada, lagana fogaado colaada iyo in la dhibaateeyo shacabka gobolka

Hogaanka

DSCN1182

Gudoomiyaha gudiga fulinta: Mudane Abdi Faarax Daahir


  • Waa mas’uulka koowaad, wuxuuna hagaa, hubiyaa habsami u socodka hawlaha Guddiga Fulinta iyo barnaamijka Golaha
  • Wuxuu hawlgaliyaa oo uu kormeeraa xubnaha Guddiga Fulinta.
  • Wuxuu hawl galin karaa xubno aan ka mid ahayn Gudiga Fulinta markii loo baahdo, isagoo kala tashanaya Guddiga Fulinta.
  • Gudoomiyuhu ma laha awood go’aan gaarid kalinnimo.
  • Waa soo ururiyaha aaraa’da, fikradaha iyo talooyinka bulshadu usoo jeedinayso Golaha, soona hordhigo guddiga fulinta iyo golaha Guurtada.

 

Gudoomiyaha ku xigeenka, xoghayaha arrimaha maaliyada: Mudane Iidle Siyaad Shiikh Khaliif


  • Wuxuu si ku meel gaar ah u matalaa jagada gudoomiyaha Golaha, marka guddoomiyuhu maqan yahay.
  • Wuxu muddadaa gudaheeda ku hawlgelinayaa Guddiga Diyaarinta Doorashada
  • Wuxuu mas’uul ka yahay diiwaangelinta hantida Golaha.
  • Wuxuu mas’uul ka yahay khasnadda, xisaabaadka (accounts) iyo dhaqaalaha Golaha.
  • Wuxuu diyaariyaa qorshe dhaqaaleedka Golaha ee sanadka soo socda.
  • Wuxuu dabagalaa soona ururiyaa lacagaha xubunimada Golaha.

 

Gudoomiyaha ku xigeenka, xoghayaha arrimaha Amniga: Mudane Yuusuf Shiekh Nuur


  • Wuxuu si ku meel gaar ah u matalaa jagada gudoomiyaha Golaha, marka guddoomiyaha iyo gudoomiye xigeenka
    1-aad maqan yihiin.
  • Wuxuu buuxinayaa jagada guddoomiyaha ama gudoomiye xigeenka 1-aad haddii ay noqoto in guddoomiyaha iyo gudoomiye xigeenka 1-aad is casilaan ama ay ku timaaddo duruuf u diidda gudashada xilkooda, inta dib looga dooranayo guddoomiye iyo kuxigeenka koo waad ugu badnaan muddo 3-bilood ah
  • Wuxu muddadaa gudaheeda ku hawlgelinayaa Guddiga Diyaarinta Doorashada
  • Wuxuu masuul ka yahay Arrimaha AMNIGA
    a. Wuxuu soo diyaarin qorshaha lagu xasilin gobolka
    a. wuxuu masuul ka yahay inuu hago howlaha boliiska, nabadsugida iyo xasiloonida gobolka

 

Gudoomiyaha ku xigeenka, xoghayaha Guud: Mudane Abdirizak Rashiid Cumar


  • Wuxuu isku xiraa hawlaha Guddiga Fulinta.
  • Wuxuu diyaariyaa qoraallada shirarka Golaha Guurtada iyo Guddiga Fulinta.
  • Wuxuu tixraac ku sameeyo kulammada Guddiga Fulinta, islamarkaana u diro tixraacaas xubnaha Guddiga Fulinta, Guddiga Hantidhawrka iyo Golaha Guurtada.
  • Wuxuu kaydiyo go’aammada ka soo baxa Guddiga Fulinta iyo Golaha Guurtada.
  • Wuxuu xafido waraaqaha iyo shaabadda Golaha.
  • Wuxuu ka warqabo islamarkaana diwaangaliyo qoraallada la xiriira mashaariicda Golaha.
  • Wuxuu mas’uul ka yahay qalabka iyo shaqaalaha xafiiska Golaha.

 

Gudoomiyaha ku xigeenka, xoghayaha arrimaha Beeraha: Mudane Abdikariim Hassan Qeyre


  • Wuxuu masuul ka yahay arrimaha Beeraha, Dalaga, iyo Duunyada
  • Waa kawarqabaha, kormeeraha dhulbeereedka iyo beeraleyda gobolka.
  • Waa talo ka bixiyaha, una adeegaha sidii loo horumarin lahaa, loona kobcin lahaa wax soo saarka dalaga iyo duunyada
  • Waa ka shaqeeyaha sidii kor loogu qaadi lahaa tayadda beeraha iyo beeraleyda
  • Waa ka shaqeeyaha isku xirka beeraleyda iyo suuqyada loo iibgeyn dalaga iyo duunyada
  • Waa in uu warbixin ku saabsan arrimaha beeraha horkeeno guddiga fulinta.

 

Gudoomiyaha ku xigeenka, xoghayaha arrimaha Caafimaadka: Mudane Axmed Ibrahim Hussein


  • Wuxuu mas’uul ka yahay xarumaha caafimaadka
  • Wuxuu mas’uul ka yahay diyaar gareynta, iyo dhaqan gelinta howlaha caafimaadka
  • Wuxuu masuul ka yahay soo diyaarinta barnaamij looga hortagayo cudurada sida guud ama gaar u saameeya gobolka.
  • Wuxuu masuul ka yahay diyaar gareynta iyo dhaqan gelinta mashruuca talaalka lagu badbaadin dhalaanka gobolkaa
  • Wuxuu masuul ka yahay diyaar gareynta mashruucyada ka hortaga cudurada halista u ah caruurta, waayeelka, iyo bulshada inteeda kale
  • Wuxuu masuul ka yahay wacyi gelinta bulshada arrimaha la xiriira caafimaadka

 

Gudoomiyaha ku xigeenka, Taliyaha ciidanka Gobolka Hiiraan: Mudane Ahmed Shukri Macalin


  • Wuxuu masuul ka yahay sugida amniga degaanada uu ka arrimiyo Golahan
  • Wuxuu masuul ka yahay diyaar gareynta iyo dhaqangelinta qorshaha lagu sugi amniga xuduudaha gobolka iyo degaanada uu golaha ka arrimiyo
  • Wuxuu masuul ka yahay inuu horkeena golaha qatarta iyo xasilooni darada ku imaan karta gobolka, iyo weliba halka ay uga imaan karaan
  • Wuxuu masuul ka yahay, soo diyaarinta barnaamij loogu hortagayo qatarta ama xasilooni darada soo wajahda, ama soo wajihi karta gobolka
  • Wuxuu howlgeliyaa ciidama sugi amaanka gobolka

 

DSCN1182

Shirkii Deefoow ee Golaha Samatabixinta iyo aayo ka talinta Shacabka Hiiraan

Halkan ka daawo shirka Golaha Samatabixinta ee magaalada Deefoow:

 

Shirka oo ka socday magaalada Deefoow mudo Wiig ah, laga soo bilaabo 04.maajo.2015 ilaa 11.maajo.2015.Waxaa shirkan ka soo qeyb galay dhamaan 12 beelood ee ku dhaqan gobolka Hiiraan, halka labada beelood ee kale oo aanan soo xaadirin midna la sugayey, beesha kalena aysan ka soo qeyb gelin.

Shirkaan oo ahaa shir dhidibada loogu aasayey aayaha iyo samatabixinta beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka ayaa abaabulkiisa soo socday ilaa muddo seddex bilood ah kana socday magaalada Baladweyne. Hogaanka golahan ayaa dhaqan geliyey kulamo joogta ah oo looga hadlayey arrimaha nabadeynta iyo dib heshiisiinta beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay 13 beelood ay nabada qaateen, qalinkana ku duugeen hishiis nabadeed.

Intaas ka dib ayaa si looga saaro shacabka gobolka dhibaatada iyo colaada gobolka ku habsatay 25 sanadood ee ugu danbeeyey, laga soo bilaabo xiligii uu bilowday dagaalkii sokeeye 1991, ayaa waxay isla garteen hogaanka beelaha gobolka Hiiraan in la qabto shir lagu aasaasay Golaha Samatabixinta iyo aayo ka talinta Shacabka Hiiraan.

Baahida keentay in la dhiso golahan ayaa ah in gobolka Hiiraan la nabadeeyo, cadaalad, sinaan, deris wanaag, leyskana kaashado horumarka, samatabixinta iyo aayo ka talinta gobolka iyo shacabka reer Hiiraan.

Golahan ma aha gole mucaarad ku ah dowlada federaalka ama dowlada deriska ee Itoobiya.

Waa taariikh cusub, oo umada hiiraan u furaysa baal dahab ah, halkaas oo ay dhacday in leysu keeno 12 beelo soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka.

Waxaa la doortay gudoomiye qabta hogaanka golahan, dhaqa, dhiiga reer Hiiraana kala badbaadiya. Gudoomiyaha golahan waxaa la yiraahdaa Cabdi Faarax Daahir.

Ujeedada iyo hadafyada uu hiigsanayo golahan ayaa ah sidan hoos ku xusan;

Ujeedada:

Golahan waxaa loo dhisay inuu samatabixiyo shacabka reer Hiiraan, isla mar ahaantaana abuuro jawi iyo aasaas looga tashado aayaha iyo mustaqbalka gobolka Hiiraan.

Hadafyada

  • In laga abuuro jawi nabadeed iyo xasilooni buuxda dhamaad degaanada gobolka Hiiraan
  • In loo gargaaro, dib u dhis iyo dib u dejin loo sameeyo dadka dhiban iyo degaanada ay halakeysay colaada iyo dagaalada sokeeye,
  • In la horumariyo, dibna loo soo nooleeyo qeyraadka iyo barwaaqada gobolka lagu yaqaan
  • In laga shaqeeyo danta guud, lana dhowro xuquuqda dadka, dalaga, iyo duunyadaba
  • In xiriir wanaagsan lala yeesho dowlada federaalka iyo dalka aan deriska nahay ee Itoobiya
  • In la dar dar geliyo xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha samafalka
  • In lagu maamulo gobolka nidaam sharciga waafaqsan, lidi’na ku aheyn dowlada federaalka

Hogaanka golahan ayaa u dhaqaadi doono dhamaan degaanada iyo xuduudaha gobolka, kana shaqeyn doono dib u hishiisiin iyo in la nabadeeyo dhamaan degaanada shacabka reer Hiiraan.

golesam.com

IMG_1971

Shirka dib uheshiisiinta iyo aayo katalinta g.hiiraan wajigiisi sadaxaad oo kafurmay galbeedka magaalada b/weyn hoteel daaru salaam

Shirkan oo furmar maalininta arbacada, 17.juun.2015, Hoteel Daaru Salaam oo ku yaal Galbeedka Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku soo qulqulaya beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Shirkan oo ah wajigii seddexaad, halka oo ay ka horeeyeen labo shir oo kale, midkii ugu danbeeyeyna uu ahaa shirweynihii laga qabtay magaalada Deefoow.

Halkan ka daawo sawirada shirka Golaha Badbaadada iyo Aayo ka talinta reer Hiiraan:

IMG_1955 IMG_1956 IMG_1957 IMG_1959 IMG_1960 IMG_1962 IMG_1963 IMG_1967 IMG_1968 IMG_1969 IMG_1971 IMG_1978 IMG_1981 IMG_1982 IMG_1984

 

 

golesam.com

images

Shirka aayo katashiga Beelaha Gobolka Hiiraan ee kasocda Magaalada Deefoow.

Halkan ka daawo shirka Deefow oo ay ku dhan yihiin Beelaha nabada jecel ee ku midoobay badbaadinta shacabka iyo mustaqbalka gobolka Hiiraan.

Daawasho wacan oo wanaagsan:

cowslafil.com

mataan-70x70

Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Jaaliyada Gobolka Hiiraan ee dalka UK

Wax garad, siyaasiyiin, aqoonyahano, culuma udiin, iyo ganacsato ka soo jeedo gobolka Hiiraan ayaa shir jaraa’id waxa ay ku qabteen magaalada London, waxaana ay ka soo horjeesteen shirkii wada tashiga ahaa ee dhowaan magaalada baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, shirka jaraa’id ayaa wuxuu u dhacay sidatan:

Shirkan oo dhacay maalinimadii axada, 03.maajo.2015, ayaa waxaa isugu yimid dhamaan beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Hiiraan, marka laga reebo beesha Bariga Baladweyne oo iyaga gooni iska dhigay ka dib markii ay shir iyaga ku koobaan uu in muda ahba uga socday Bariga Baladweyne.

Beelaha soomaaliyeed ee isugu yimid shirkan ayaa ah 13 beelood oo dhamaan ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, waxayna halkaa ka sheegeen inuu kulankan yahay mid wadatashi. Waxaa kaloo ay shirkan ku falanqeeyeen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin xaga siyaasada, nabadgelyada, iyo midnimada dhamaan beelaha dega gobolka Hiiraan.

Shirkan oo ay ka soo baxeen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin;
1. In la sameeyo maamul ka kooban 13 xubnood, halkaas oo ay iyaga dhexdooda iska soo doortaan 3 xubnood oo kala aha
a. Gudoomiyaha maamulka jaaliyada Gobolka Hiiraan oo loo doortay Mohamuud Adan Bedi
b. Afhayeenka maamulka jaaliyada Gobolka Hiiraan oo loo doortay Abdirashid Mohamed Hashi
c. Xoghayaha maamulka jaaliyada Gobolka Hiiraan oo loo doortay Mohamuud Abdirahmaan Guure

2. Waxay jaaliyada halkaan ka cadeynayaan shirka ka socda Bariga Baladweyne inuu yahay shir hal beel ay isugu tagtay, oo ay ku xalineyso qilaafkeeda dhexdooda ah, shirka halkaa ka socdana aysan ku jirin beelaha kale ee reer Hiiraan.

3. Waxay jaaliyadu halkaan ku taageereysaa shirka ka socda magaalada Deefoow, oo ay joogaan dhamaan odayaashii, ugaasyadii, wabaradii, siyaasiyiintii, waxgaradkii ka soo jeeda 13’ka beelood ee dega gobolka Hiiraan.

Beelaha Deefoow isugu yimid oo ay ka mid yihiin:
1. Beesha Ceyr ee Habargidir
2. Beesha Ujeejeen
3. Beesha reer aw-hassan
4. Beesha reer aw faqi-cumar
5. Beesha reer aw faqi-muxumed
6. Beesha Gaaljecel
7. Beesha jidle
8. Beesha Baadicade
9. Beesha Jajeele
10. Beesha Qubeys
11. Beesha Sheeqaal
12. Beesha Eyle
13. iyo Beesha Makane

Dhamaan xubnihii matalayey beelaha uu fadhiyey shirka London ayaa halkaa ku cadeeyey qodobadii halkaa lagu soo gudbiyey.

Waxaa kaloo ay halkaa ka sheegeen inaysan qeyb ka aheyn shirka ka socda Bariga Baladweyne, maadaama shirkaas uu yahay shir beel gaar ah ay isugu timid, danahooda gaarka ahna ay halkaa u fadhiyaan, danta guud ee bulshada Hiiraan’a uusan waxba ka quseyn shirka Bariga Baladweyne.

Masuuliyiinta halkaa isugu yimid ayaa waxay taageereen shirka ka socda Deefoow, shirkaas oo ah mid ay ku dhan yihiin dhamaan 13’ka beelood ee dega gobolka Hiiraan, beesha ka maqan ee ku mashquulsan nidaam keli talis, kana dhaqa adeegay wadatashiga, ayaa waxaa ay sheegeen beelaha halkaa isugu yimid inaysan marnaba ka ogolaaneyn inay u taliso beel wadatashiga diidan, balse iyaga dhankooda ay soo dhaweynayaan haddii beesha Bariga Baladweyne ay u hogaansanto nabada iyo wadatashiga danta u ah horumarka iyo mustaqbalka gobolka.

Halkan ka daawo shirka:

golesam.com