DSCN1182

Gudoomiyaha Golaha Badbaadada iyo Samatabixinta Gobolka Hiiraan oo talo aad u wanaagsan Bixiyay.

Gudoomiyaha Golaha Badbaadada iyo Samatabixinta Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Daahir oo la hadlay Idaacada Danan ee Muqdisho ayaa sheegay in ay taageersan yihiin in Maamul wadajir ah ay sameeystaan Gobolada Hiiraan iyo Shabbeelaha dhexe isla markaana ay soo dhoweeynayaan Xagooda,

Cabdi Faarax ayaa ka tala bixiyay halka ugu haboon ee lagu qaban karo Shirka maamul usameeynta Labadaas Gobol wuxuuna soo jeediyay in shirkaas lagu qabto Magaalada Jowhar,mar wax laga weeydiiyay Sababta aanuu u taageersaneeyn in shirkaas uu ka dhaco Gobolka Hiiraan,

Ayaa wuxuu kaga jawaabay in waqtigan Xaadirka ah aaneey Macquul ahayn in shirka Maamul u sameeynta Shabbeelaha dhexe iyo Hiiraan Lagu qabto Gobolka Hiiraan Baladweeyne ama meel kalaba asagoo sheegay in Beelaha dega Gobolka Hiiraan ay aad isu heeys heeystaan sidaa aawadeed aaneey suura gal ahayn in Hiiraan ay marti galiso Shirka,

Gudoomiyaha Badbaadada iyo Samata bixinta Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Daahir ayaa kula taliyay Oday dhaqameedka,Siyaasiyiinta iyo wax garadka Gobolka Shabbeelaha dhexe iyo Dawlada Federaalka in aaneey ku degdegin in shirka Maamul usameeynta lagu qabto Gobolka Hiiraan taa badalkeedana ay haboon tahay in Gogosha la dhigo Magaalada Jowhar.

golesam.com

warxumo-tashiilka iyo wariyayaal ka soomaliya maxaa kala haaysta?

August 12, 2015 |  xigasho somalimedia Waxaa soo kordhay websiteyo ay adeegsadaan dadka warxumo-tashiilka ah oo qora warar aan raad lahayn oo lagu bahdilayodadka wadaninimada ku sifoobay oo dalkoodi u soo hiloobay waxna raba in ay u qabtaan.

Waxaan ahay nin mehnaddaan warbaahinta aqoon iyo waayo-arag u leh oo wasaarada warfaafinta ka shaqo bilaabay June 1973 oo hadda laga joogo 42 sano,waxaan wax ku soo bartay

3 jaamacadood oo dibedda ah.

Nasteeho, waano i talo in aan siiyo da’yarta wax ku qorta websiteyada yaa igu waajib ah,madaama aanay jirin cid kale oo aan ku haleynaya jiilka soo koraya ee raba in ay dadka wax u shegaan(wariyeyaasha).

Shaley ayaan akhriyay qodob ay qoreen   www.coomaad iyo www.camaloow.com ninkii dhaqaalaha ku bixin jiray dagaaladi Deefow).

Dagaalkaas sow waa hore lagama heshiin? Ma in la xususiya dadkii dadkoodi dhibaatadu ka soo gaartay ?

Wadaniyadda iyo Soomaalinimada macaankeeda waxaad garan karta markaad in muddo ah aad dalkaada dibeddisa ku noolatid oo aad u hilowdo.

Waxaan ku noolahay dibedda waqtigaan xaadirka ah,waxaanan aad u jeclaan laha in aan maanta joogo Beletweyne oo ah meeshaan ku dhashay oo la leeyahay waxaa yimid ninkii dhaqaalaha dagaaladi Deefow bixin jiray.

Waxaan huba haddii aan maanta B/Weyne tago si aanan uga qeybgelin doorashada xildhibaanada ama madaxweynimada maamulka Hiiraan in war xun la iga sheegayo, oo mid Qabiil igu rixayo ama aan is xigno u wax yar oo lacag ah siinayo kuwa warka xun qora sii aan ula tartamin.

Websiteyada yar yar iyo da’yarta soo koreysana ha iska hubiyaan wax ay qorayaan iyo u janjeerida qabiilka haddii kale mustaqbil ma yelanayaan.

Xigasho

Somalimedia.co.uk

Xarunta London

 

Share this:

 

Facebook

 

Related

 

 

logo_ver2

Soo Dhaweeyn

Golahan waxuu soo dhaweeynayaa Israacinta labada gobol Hiiraan Iyo Jowhar sidoo kale Shirka waxaanu kadigeeynaa ineey habooneeyn in lagu qabto Bariga Magaalada B/weyn oo aynan kulmin karin dhamaan beelaha.

Mahad allaa leh.

Xafiiska golaha london

qoox_soodhaweyn

Xaflad soo dhaweyn london: Gudoomiye ku xigeenka gudiga arrimaha gudaha iyo amniga Baarlamaanka Dowlada federalka Soomaliya Mudane Daahir Amiin

golesam.com

dood_wadaag

Watch “DOODDA ROYAL TV 27 05 15″

Watch “DOODDA ROYAL TV 27 05 15″

golesam.com

IMG_1978

SHIRKA AAYA KA TALINTA GOBOLKA HIIRAAN 19 06 2015

golesam.com

CABASHO 13 BEELOD OO KA SOO HORJEESEY SHRKII DHAWAAN KA FURMEY MAGALADA BALADWEYNE GOBOLKA HIIRAAN

golesam.com

Watch “SHIRKII JAALIYADA KA SOO JEEDA HIIRAN OO QODOBO MUHIIM AH LAGA SOSARAY”