August 12, 2015 |  xigasho somalimedia Waxaa soo kordhay websiteyo ay adeegsadaan dadka warxumo-tashiilka ah oo qora warar aan raad lahayn oo lagu bahdilayodadka wadaninimada ku sifoobay oo dalkoodi u soo hiloobay waxna raba in ay u qabtaan.

Waxaan ahay nin mehnaddaan warbaahinta aqoon iyo waayo-arag u leh oo wasaarada warfaafinta ka shaqo bilaabay June 1973 oo hadda laga joogo 42 sano,waxaan wax ku soo bartay

3 jaamacadood oo dibedda ah.

Nasteeho, waano i talo in aan siiyo da’yarta wax ku qorta websiteyada yaa igu waajib ah,madaama aanay jirin cid kale oo aan ku haleynaya jiilka soo koraya ee raba in ay dadka wax u shegaan(wariyeyaasha).

Shaley ayaan akhriyay qodob ay qoreen   www.coomaad iyo www.camaloow.com ninkii dhaqaalaha ku bixin jiray dagaaladi Deefow).

Dagaalkaas sow waa hore lagama heshiin? Ma in la xususiya dadkii dadkoodi dhibaatadu ka soo gaartay ?

Wadaniyadda iyo Soomaalinimada macaankeeda waxaad garan karta markaad in muddo ah aad dalkaada dibeddisa ku noolatid oo aad u hilowdo.

Waxaan ku noolahay dibedda waqtigaan xaadirka ah,waxaanan aad u jeclaan laha in aan maanta joogo Beletweyne oo ah meeshaan ku dhashay oo la leeyahay waxaa yimid ninkii dhaqaalaha dagaaladi Deefow bixin jiray.

Waxaan huba haddii aan maanta B/Weyne tago si aanan uga qeybgelin doorashada xildhibaanada ama madaxweynimada maamulka Hiiraan in war xun la iga sheegayo, oo mid Qabiil igu rixayo ama aan is xigno u wax yar oo lacag ah siinayo kuwa warka xun qora sii aan ula tartamin.

Websiteyada yar yar iyo da’yarta soo koreysana ha iska hubiyaan wax ay qorayaan iyo u janjeerida qabiilka haddii kale mustaqbil ma yelanayaan.

Xigasho

Somalimedia.co.uk

Xarunta London

 

Share this:

 

Facebook

 

Related