DSCN1182

  1. In laga abuuro jawi nabadeed iyo xasilooni buuxda dhamaad degaanada gobolka Hiiraan

  2. In loo gargaaro, dib u dhis iyo dib u dejin loo sameeyo dadka dhiban iyo degaanada ay halakeysay colaada iyo dagaalada sokeeye,

  3. In la horumariyo, dibna loo soo nooleeyo qeyraadka iyo barwaaqada gobolka lagu yaqaan

  4. In laga shaqeeyo danta guud, lana dhowro xuquuqda dadka, dalaga, iyo duunyadaba

  5. In xiriir wanaagsan lala yeesho dowlada federaalka iyo dalka aan deriska nahay ee Itoobiya

  6. In la dar dar geliyo xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha samafalka

  7. In lagu maamulo gobolka nidaam sharciga waafaqsan, lidi’na ku aheyn dowlada federaalka

  8. In la helo cadaalad, midnimo, qaranimo, iyo la sugo amniga shacabka gaar ahaan, iyo gobolka guud ahaan.

  9. In shacabka reer hiiraan ay ku abtirsadaan gobolka, lagana fogaada qabiilka iyo kala qeybinta bulshada

  10. In la soo dhaweeyo nabada, lagana fogaado colaada iyo in la dhibaateeyo shacabka gobolka