DSCN1182

Gudoomiyaha gudiga fulinta: Mudane Abdi Faarax Daahir


  • Waa mas’uulka koowaad, wuxuuna hagaa, hubiyaa habsami u socodka hawlaha Guddiga Fulinta iyo barnaamijka Golaha
  • Wuxuu hawlgaliyaa oo uu kormeeraa xubnaha Guddiga Fulinta.
  • Wuxuu hawl galin karaa xubno aan ka mid ahayn Gudiga Fulinta markii loo baahdo, isagoo kala tashanaya Guddiga Fulinta.
  • Gudoomiyuhu ma laha awood go’aan gaarid kalinnimo.
  • Waa soo ururiyaha aaraa’da, fikradaha iyo talooyinka bulshadu usoo jeedinayso Golaha, soona hordhigo guddiga fulinta iyo golaha Guurtada.

 

Gudoomiye ku xigeenka, xoghayaha arrimaha maaliyada: Mudane Iidle Siyaad Shiikh Khaliif


  • Wuxuu si ku meel gaar ah u matalaa jagada gudoomiyaha Golaha, marka guddoomiyuhu maqan yahay.
  • Wuxuu buuxinayaa jagada guddoomiyaha haddii ay noqoto in guddoomiyaha is casilo ama ay ku timaaddo duruuf u diidda gudashada xilkooda, inta dib looga dooranayo guddoomiye iyo kuxigeenka koo waad ugu badnaan muddo 3-bilood ah
  • Wuxu muddadaa gudaheeda ku hawlgelinayaa Guddiga Diyaarinta Doorashada
  • Wuxuu mas’uul ka yahay diiwaangelinta hantida Golaha.
  • Wuxuu mas’uul ka yahay khasnadda, xisaabaadka (accounts) iyo dhaqaalaha Golaha.
  • Wuxuu diyaariyaa qorshe dhaqaaleedka Golaha ee sanadka soo socda.
  • Wuxuu dabagalaa soona ururiyaa lacagaha xubunimada Golaha.

 

Gudoomiye ku xigeenka, xoghayaha arrimaha Amniga: Mudane Yuusuf Shiekh Nuur


  • Wuxuu si ku meel gaar ah u matalaa jagada gudoomiyaha Golaha, marka guddoomiyaha iyo gudoomiye xigeenka
    1-aad maqan yihiin.
  • Wuxuu buuxinayaa jagada guddoomiyaha ama gudoomiye xigeenka 1-aad haddii ay noqoto in guddoomiyaha iyo gudoomiye xigeenka 1-aad is casilaan ama ay ku timaaddo duruuf u diidda gudashada xilkooda, inta dib looga dooranayo guddoomiye iyo kuxigeenka koo waad ugu badnaan muddo 3-bilood ah
  • Wuxu muddadaa gudaheeda ku hawlgelinayaa Guddiga Diyaarinta Doorashada
  • Wuxuu masuul ka yahay Arrimaha AMNIGA
    a. Wuxuu soo diyaarin qorshaha lagu xasilin gobolka
    a. wuxuu masuul ka yahay inuu hago howlaha boliiska, nabadsugida iyo xasiloonida gobolka

 

Xoghayaha Guud: Mudane Abdirizak Rashiid Cumar


  • Wuxuu isku xiraa hawlaha Guddiga Fulinta.
  • Wuxuu diyaariyaa qoraallada shirarka Golaha Guurtada iyo Guddiga Fulinta.
  • Wuxuu tixraac ku sameeyo kulammada Guddiga Fulinta, islamarkaana u diro tixraacaas xubnaha Guddiga Fulinta, Guddiga Hantidhawrka iyo Golaha Guurtada.
  • Wuxuu kaydiyo go’aammada ka soo baxa Guddiga Fulinta iyo Golaha Guurtada.
  • Wuxuu xafido waraaqaha iyo shaabadda Golaha.
  • Wuxuu ka warqabo islamarkaana diwaangaliyo qoraallada la xiriira mashaariicda Golaha.
  • Wuxuu mas’uul ka yahay qalabka iyo shaqaalaha xafiiska Golaha.

 

Xoghayaha arrimaha Beeraha: Mudane Abdikariim Hassan Qeyre


  • Wuxuu masuul ka yahay arrimaha Beeraha, Dalaga, iyo Duunyada
  • Waa kawarqabaha, kormeeraha dhulbeereedka iyo beeraleyda gobolka.
  • Waa talo ka bixiyaha, una adeegaha sidii loo horumarin lahaa, loona kobcin lahaa wax soo saarka dalaga iyo duunyada
  • Waa ka shaqeeyaha sidii kor loogu qaadi lahaa tayadda beeraha iyo beeraleyda
  • Waa ka shaqeeyaha isku xirka beeraleyda iyo suuqyada loo iibgeyn dalaga iyo duunyada
  • Waa in uu warbixin ku saabsan arrimaha beeraha horkeeno guddiga fulinta.

 

Xoghayaha arrimaha Caafimaadka: Mudane Axmed Ibrahim Hussein


  • Wuxuu mas’uul ka yahay xarumaha caafimaadka
  • Wuxuu mas’uul ka yahay diyaar gareynta, iyo dhaqan gelinta howlaha caafimaadka
  • Wuxuu masuul ka yahay soo diyaarinta barnaamij looga hortagayo cudurada sida guud ama gaar u saameeya gobolka.
  • Wuxuu masuul ka yahay diyaar gareynta iyo dhaqan gelinta mashruuca talaalka lagu badbaadin dhalaanka gobolkaa
  • Wuxuu masuul ka yahay diyaar gareynta mashruucyada ka hortaga cudurada halista u ah caruurta, waayeelka, iyo bulshada inteeda kale
  • Wuxuu masuul ka yahay wacyi gelinta bulshada arrimaha la xiriira caafimaadka

 

Taliyaha ciidanka Gobolka Hiiraan: Mudane Ahmed Shukri Macalin


  • Wuxuu masuul ka yahay sugida amniga degaanada uu ka arrimiyo Golahan
  • Wuxuu masuul ka yahay diyaar gareynta iyo dhaqangelinta qorshaha lagu sugi amniga xuduudaha gobolka iyo degaanada uu golaha ka arrimiyo
  • Wuxuu masuul ka yahay inuu horkeena golaha qatarta iyo xasilooni darada ku imaan karta gobolka, iyo weliba halka ay uga imaan karaan
  • Wuxuu masuul ka yahay, soo diyaarinta barnaamij loogu hortagayo qatarta ama xasilooni darada soo wajahda, ama soo wajihi karta gobolka
  • Wuxuu howlgeliyaa ciidama sugi amaanka gobolka